Mugdi ayaa ku jira xeerka daryeelka caafimaadka dadka sharci-darrada ah

Dowladda iyo xisbiga deegaanka ee Miljöpartiet ayaa ku heshiiyey in laga bilaabo xilliga xagaaga daryeelka caafimaad la siiyo dadka aan haysan sharciga joogitaanka.

Laamaha daryeelka caafimaadka ayaa dowladda ku eedeynaya in aysan kala caddayn noocyada daryeelka caafimaadka oo loo fidinayo dadkaas. Ururka dhakhaatiirta iyo ururka shaqaalaha oo in muddo ah u soo ololeynayey in dadka sharci-darrada ha xaq loo siiyo dhammaan noocyada daryeelka caafimaadka ayaa hadda codsaday in faahfaahin laga bixiyo micnaha xeerka cusub. Dowladduse ma dooneyso in ay sidaas samayso iyadoo ka cabsi qabta in faahfaahin noocaas ahi aysan ka turjumi doonin ujeeddada xeerka laga leeyahay.

Qorshaha dowladda waxaa ku qoran in dadka sharci-darrada ah laga siiyo ”daryeel caafimaad cudurada iyo dhaawacyada haddii la la daaho khatar u keeni kara qofka bukaanka naftiisa.” Kristina Meseret Andersson oo madax u ah ururka Dhakhaatiirka Dunida (Läkare i världen), ayaa qabta in arrintaan mugdi weyni ku jiro. Iyada qudheedu waxay ka shaqaysaa rugta gargaarka degdegga ah ee mid ka mid isbitaalada Stockholm. Waxay tusaale u soo qaadatay qof kabtu goysay.

- Waxaa laga yaabaa in aan isla markii loo arag ”daryeel aan dib loo dhigi karin”, laakiin qofna ma ogaan karo cilladaha gadaal ka iman kara. Taas micneheedu waxa weeye in nabar sahlan uu keeni karo in dhiiggu sumoobo.

Isha: ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".