Sawirle: Paul Faith/Scanpix.

Rabshado habeenkii talaadada ka dhacay xaafadda Rinkeby

Boliiska ayaa xalay hawlgal weyn ka sameeyey xaafadda Rinkeby kadib markii dhallinyaro ay waddooyinka gooyeen oo dab qabadsiiyeen qashinkii iyo baabuurtii.

Xalay fiidkii wuxuu boliisku soo qabtay dhawr qof oo lagu tuhunsanaa in ay guryo jebsadeen. Guri buuq dagaal ka socday xalay goor dambe oo boliisku u soo gurmaday ayuu ka dhashay jawi cabsi leh.

Madaxa xarunta boliiska xaafadaha galbeedka Janne Gyllstedt ayaa sheegay in xaafadda loo diray boliis badan habeenimadii, laakiin ay rabshadihii joogsadeen.

Isha: TT/P4 Stockholm

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".