Hoteel qirtay in uu takooray gabar xijaabnayd

Qof dumar oo loo diiday in ay ka shaqeyso hoteel ku yaal gobolka Blekinge xijaab ay xirnayd awgeed, ayaa loo xukumay magdhaw dhan 50000 oo karoon. Wakiilka Arrimaha Midabtakoorka ayaa hoteelka ku dacweeyey Maxkmadda Arrimaha Shaqada, laakiin gabadhii iyo hoteelkii ayaa dhexdooda ka heshiiyey.

Wakiilka Arrimaha Midabtakoorku wuxuu war-saxaafadeed ku sheegay in hoteelku qirtay in uu midabtakoor geestay. Nidaamka hoteelku ma oggola in qof halkaas ka shaqeeyaa uu soo dhexgalo dadka martida ah isagoo madaxa wax u saaran yihiin.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".