Sawirle: Esteban Felix

Koonfurta Iswiidhen oo dad badan laga helay xanuunka babaqaaqa

Xanuunka babaqaaqa oo si aan horay loo arag u aafeeyey koonfurta Iswiidhen, ayaa ila hadda la hayaa 20 dhacdo, meesha ay waqtiyadii hore ay ka ahaan jirtay shan ilaa toban dhacdo.

Machadka ka hortagga cudurada faafa ayaa sheegay in dadka la xanuunsaday badankood ay faraha la galeen buulasha shimbiraha ama digada shimbiraha.

Dadka u xanuunsada cudurkaan badankood waxaa lagu arkaa astaamo u eg hargabka, laakiin kuwo badan ayaa sambabada caallir ka galaa. Waxaana keena infakshan lagu daaweyn karo antibiyootiko.

Iska: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".