Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga MP oo Mooderaatka ka sugaya siyaasad qaxooti oo bani-aadanimo

Publicerat onsdag 20 mars 2013 kl 12.45
Sawirle: Scanpix

Xisbiga deegaanka ee Miljöpartiet ayaa ka faallooday dhaleecayntii uu raysal wasaare Fredrik Reinfeldt sida tooska ah ugu jeediyey wasiirka socdaalka Tobias Billström.

Dowladda iyo Xisbiga deeganku waxay horay isu la galeen heshiis ku saabsan siyaasadda arrimaha socdaalka. Afhayeenka Xisbiga deegaanka Gustav Fridolin wuxuu hadda filayaa in loo weecdo siyaasad nuxurkeedu yahay in qaxootiga loo la dhaqmo hab bani aadanimo ku dheehan tahay:

- Run ahaantii bilihii ugu dambeeyey dhaawac culus ayaa soo gaaray kalsoonidii aan u haynney Tobias Billström iyo Mooderaatka. Waxaan heshiis la galnay Mooderaatka cusub, laakiin dhacdooyinkii bilihii ugu dambeeyey waxay nagu kallifeen in aan isweyddiinno in xisbigii aan heshiiska la galnay uu weli jiro.

Waxyaalaha xisbiga deegaanku doonayo waxaa ka mid ah in dad badan sharci degitaanka lagu siiyo ”sababo naxariis gaar ah ku dhisan.”

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".