Haweeney dooneysa in ay dhasho ilmaha walaasheed oo dhimatay

Qof dumar ah ayaa walaasheed oo dhimatay ka dhaxashay ukun la barafeeyey. Wargeyska Dagens Medicin ayaa qoray in ay haweeneydaasi hadda ka codsatay Maamulka Arrimaha Bulshada in uu u oggolaado bacrminta ukunta si ay u dhasho ilmaha walaasheed.

Guddiga xeerka ee Maamulka Arrimaha Bulshada ayaa ku tilmaamay codsi aan horay u soo marin. Gabadha warqaddaan soo qortay ayaa sheegtay in ay iyada iyo waalidkeed dhowaan soo duugeen walaasheed oo qoraal dardaaran ah oo ka tagtay ku codsatay in marka ay dhimato ukumaheeda loo isticmaalo bacriminta qarshadaha.

Maadaama ay og tahay in arrinta noocaan ahi ay Iswiidhen mamnuuc ka tahay, ayey codsaneysaa in loo oggolaado in ay ukumaha dalka ka saarto si loogu soo bacrimiyo dalkeeda hooyo.

Maamulka Arrimaha Bulshadu weli arrinta go’aan kama gaarin.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".