Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dabshidkii gu’ga oo lagu soo dhoweeyey sannadka cusub

Publicerat onsdag 20 mars 2013 kl 15.25

Maanta oo ku beegan waqtiga maalinta iyo habeenku siman yihiin, waxay dadyowga beershiga iyo kurdidu xusaan sannadka cusub oo lagu magacaabo Nouruz. Isla shalay galabba waxaa daafaha dalka ka socday Dabshidka oo ah dabbaaldegga sannadka cusub.

Dad gaaraya ilaa 5000 oo qof ayaan dheg u dhigin qabowgii jiray oo isugu soo baxay Kungsträdgården oo ku taal bartamaha Stockholm, iyagoo ku istareexaya muusig iyo cuntooyin dhaqameed. Galabnimadiina waxaa halkaa ka hadashay wasiirka dhaqanka Lena Adelsohn-Liljeroth oo iftiimisay ahmiyadda uu dhaqanka Iswiidhen u leeyahay xuska Dabshidka iyo Nouruz oo loo dabbaaldeggi jirey muddo afar kun kor u dhaaftay.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".