Sawirle: Janerik Henriksson / Scanpix

Lambarka qaylodhaanka 112 oo turjubaanadu ku yar yihiin

Baaritaan ay sameeyeen ardayda saxaafadda ka baratay Jaamicadda Lund ayaa ogaaday in qofka waca 112 waqtiga xafiiska kadib uu ku khasban yahay in uu ku hadlo afafka Iswiidhishka iyo Ingiriisiga. Maalmaha iyo saacadaha shaqada oo qura ayey rugta qaylodhaanka Sos Alarm joogaan turjubaano ku hadla afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ruushka.

Madaxa saxaafadda Sos Alarm Anders Klarström ayaa sheegay in turjubaan-la’aantu aysan ahayn dhibaato sidaas u sii weyn maadaama dadka afafkaas ku hadla badankood ay heli karaan qof telefoonka ugu waca afka Iswiidhishka.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".