Dhallaanka la fara xumeeyo oo aan lagu sameeyn baaritaan caafimaad

Waxaa inta badan dhacda in aan baaritaan caafimaad lagu sameeyn dhallaan badan ee loo geeysto falal-dembiyeedyo la xiriira galmada iyo jir-dilka, inkasta oo dacwad looga gudbiyey ciidanka ammaanka. Natiijada middaa ka dhalan karta ayaa ah in aan maxkamad la hor-keenin dembiyada laga galo dhallaanka, maadaama uu baaritaanka caafimaad oo lagu sameeyaa noqon kari lahaa markhaati cad falalkii lagula kacey.

Sida uu qabo dhakhtar Gabriel Otterman, kana tirsan ururka dhakhaatiirta dhallaanka, laantiisa dhallaanka la dhibaateeyo iney jiraan dhallaan loo geeystey dhaawacyo halis ah, isla-markaana aan baaritaan lagu sameeyn.
- Waxaan og-soonnahey in dhaawacyo halis ah loo geeystey, ama sheekooyinka naga soo gaarey ahaayeen sheekooyin culculus, hase yeeshee aan gaarin xaalad baaritaan lagu sameeyo. Iyo sidoo kale inaan diiwaan-gelin lagu sameeyn, xaqiiqdii waa mid caadi ah, sida uu sheegay Gabriel Otterman.

                                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".