Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dib u eegid lagu sameeyn doono howlaha gacan yareyaasha

La daabacay torsdag 21 mars 2013 kl 10.04
Sawirle: Neurologiskt Handikappades Riksförbund

Nidaamka miisaaniyad-gelin ee dadyoowga u adeega shakhsiyaadka aan isku fileeyn ayaan u socon sidii loogu talo galey, waana midda dhalisay in laga fekero sidii dib u habeeyn loogu sameeyn lahaa, sida ay ku qortay boggiisa doodda ee war-geeyska SvD wasiirka dhallaanka iyo waayeelka Maria Larsson.

Sannad walba ayey dhacdaa iney qaataan miisaaniyad bilyanno dheeri ah hoowl-wadeennada gacan-yareyaasha u adeega dadyoowga aan isku fileeyn, waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo personlig assistens - gacan-yare shakhsiyeed. Iyadoona caqabadda ka taagan tahay in la bixiyo mushaar saacadeed isku mid ah, halka mushaarooyinku kala duwan yihiin. Tallaabadaa ayaa dhalineeysa dareen ah in saacaduhu ey sii kordhaan.

Gunnada lagu bixineyo hoowlahaa waa iney ka tarjumaan hoowsha dhabta ah ee la qabto, sida ay wasiiraddu sheegtay.

Isha/ TT

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".