Xerada qaxootiga ee Mafraq, Joordaaniya oo ku taala xadka Suuriya. Sawirle: Scanpix.

Qaxootiga Suuriya oo kaalinta labaad ka ciriirsaday qaxootiga Soomaalida

Sida ay sheegtay laanta qaxootiga UNHCR ee hayadda caalamiga ee Qarammada Midoobey iney aad kor ugu sii kacayaan qaxootiga ka soo baqoolaya dalka Suuriya, waana tiradii ugu badneeyd ee qaxooti wixii ka dambeeyey sannadkii 2003. Dalka Iswiidhen ayaa ku jira kaalinta afaraad ee qaxootigaasi ey ku yimaadaan magan-gelyo doon.

Sannadkii 2012 ayey magan-gelyo ka dalbadeen dadyoow tiradooda lagu qiyaasey 479 300 oo ruux dhammaan waddammada 44-ka ee tirada soo-galootigooda u soo gudbiya hayadda Qarammada Midoobey. Waa tiro kor u kacday 8%, marka loo barbar-dhigo sannadkii midkaa ka horeeyay ee 2011.

Muddo sannad gudaheed ah ayuu dalka Suuriya oo ku jiray kaalinta 15-aad ee waddammada laga soo cararo uu iminka galay kaalinta labaad oo uu ka horeeyaa oo keliya dalka Afgaanistaan.

Dalka Iswiidhen ayaa kaalinta afaraad kaga jira waddammada ey qaxootiga suuriyaanku magan-gelyo u yimaadaan, waxaana kaalimmaha kale kaga horeeya waddammada Mareeykanka, Jarmalka iyo Faransiiska.

Isha/ TT

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".