Sawirle: Fredrik Persson/Scanpix

Cudurka jadeecada oo ka dilaacay magaalooyinka Istockholm iyo Uppsala

Hayadda ka hor-tagga cudurrada faafa ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SMI ayaa ku talo-gelisey in dhammaan hawl-wadeennada ey quseeyso ku sameeyaan dib u eegid howlaha la xiriira difaaca xanuunka jadeecada.
Dillaaca uu cudurku ka dilaacay magaalooyinka Istockholm iyo Uppsala waxey muujineyaan in cudurka jadeecadu ku faafi karo Iswiidhen iyada oo weliba dadyoow badani tallaala ka qabaan cudurka.

Tallaalka cudurka jadeecada ayaa dalka Iswiidhen lagu siiyaa dhallaanka da'da sannad iyo bar, waana midda dhalineeysa in aannu dhallaanku difaac ka haysan xanuunka jadeecada. Waxaa sidoo kale aan difaac middaa ka haysan dadyoowga dhashey wixii ka horeeyey toddobaatameeyadii intii aan la bilaabin tallaalka cudurka jadeecada, sidaa daraadeed waa in dib u eegid lagu sameeyaa habka tallaalka ee cudurka jadeecada, sida ay qortay hayadda SMI.

                                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".