Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Muwaadin lagu xukumay dalka Qubrus

La daabacay torsdag 21 mars 2013 kl 14.08
Sawirle: Scanpix

Muwaadin dhalashadiisu tahay iswiidhish - lubnaanees oo ay dacwad la xiriirta argagixis-nimo kaga furneyd dalka Qubrus ayaa maanta lagu xukumey qodobbo kala duwan. Iyadoona ciqaabta uu muteeystay lagu dhawaaqi doono toddobaadka foodda innagu soo haya, sida ay sheegtay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado ee Svt.

Ninkan eedeeysanaha ah ayaa gacanta lagu dhigey bishii luulyo, iyadoona lagu soo eedeeyey tuhun falal ey ka mid yihiin inuu bilihii luulyo iyo nofeembar ee sannadkii 2011 uu ku sameeyay u kuur-gal dal-xiiseyaasha muwaadiniinta israa'iiliyiinta ee booqashada ku tagayey dalkaasi iyo dhaq-dhaqaaqooda, si loogu diyaar-garoobo fal argagixis-nimo.

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".