Sawirle: Matts Nylander

Hooyo dacwad ku oogtay boliiska oo ku guul dareeysatay

Carina Höglund ayaa ku weeyday dacwad ay ku soo oogtay dawladda iyadoona ay sheegtay maxkamadda degmadu in khaladaadkii ey galeen ciidanka ammaanku ahayn kuwo gun-dhig u noqon kara xukun lagu lagu rido.

Go'aanka maxkamadda ayaa maanta lagu dhawaaqay midkaasina oo la xiriiray dacwad ay haweenayda Carina Höglund oo gabadheedii Engela qudha laga jaray sannadkii 2008. Höglund ayaa dacwad ku oogtay dawladda maadaama ay aamin-sanayd in dembiilihii falka geeystay Anders Eklund gacanta ay suurtagal ahayd in gacanta lagu dhigo kolkii uu qudha ka jaray haweenay la oran jirey Pernilla Hellgren oo uu ku dilay magaalada Fallun sannadkii 2000, siddeed sannadood horteed intii aannu dilin gabadheeda. Falkaasina oo gadaal looga xukumey fal-dembiyeedkaa. Ciidanka ammaanka ayaa war-gelin falkaa ku heley, hase yeeshee aan daba-gal ku sameeyn.

Ciidanka ammaanka ayaa horay u ugu dhawaaqay iney khalad galeen, hase yeeshee ay Höglund ku waysay mag-dhow mar ay dacwad uga gudbisay qareenka sare ee JO.

Maadaama ay Carina Höglund ku guuleeysan wayday dacwadeedii ayay ku khasbanaanaysaa iney bixiso kharashii maxkamadda oo 40 kun gaarsiisan iyo ribada lacagtaasi.                                                                    

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se                                                 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".