Hudhudka warka soo gaarsiiya hayadda ceeymiska qaranka oo badankood aaney waxba ka jirin. Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Dacwadaha hayadda caymiska Qaran oo inta badan sal dhig lahayn

Kolka ay hayadda caymiska qaranku baaritaan ku sameeynayso is-daba-marin lagu sameeyo dhaqaalaha taageerada ayey barkood dacwooyinkaasi ka yimaadaan deriska ama dadyoow macruuf la ah cidda laga soo gudbineyo war-bixinta, sida uu qoray war-geeyska Metro.

Hase yeeshee wararka loo soo gudbiyo hayadda caymiska qaranka ayaa badankood, sagaal tobankiiba yihiin kuwo aan sal iyo raad laheyn oo la iska xiraa. Inta badan waxaa muuqata iney yihiin warar ku tiri ku teen ah iyo mid dabeeysha soo werisay. Dhanka kale ayaa la sheegeyaa in middaasi ugu wacan tahay in ruuxa warka soo gudbinayaa uu yahay ruux dahsoon oo aan u baahnayn inuu is cayimo, si war-bixin buuxda loogu helo.

Sannadkii tagay ayaa dacwooyin gaareya 19 503 dacwadood oo baaritaan lagu sameeyey ey 46% ka mid ahi ka yimaadeen bulshada. Hase yeeshee sida ay sheegtay hayadda caymiska qaranku in aanay howl-gelin sidii bulshada loogu dhiiri-gelin lahaa inay war-bixin u soo gudbiyaan hayadda, badankoodna ey dadku iskood u soo gudbiyaan.

Isha/ Metro

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".