Kayda sawirrada: Erik Abel/Scanpix.

Ambulaanis diiday inay usbitaal geeyso wiil soo galooti ah

Maamulka shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee magaalada Gävleborg ayaa baaritaan ku sameeyn doona dhacdo la xiriirtay wiil qaxooti 16-jir ah oo aan helin dar-yeelkii uu uga baahnaa, maadaama ay ka gaabsatay aambalaaskii u qaadi lahaa xarunta gargaarka degdegga ah kadib dhaawacyo ka soo gaaray markii uu ka soo booday daaqad lix mitir dhulka ka sareeysa.

Sida ku qoran war-bixinta ciidanka ammaanku in shaqaalihii gaariga aambalaasku diideen iney wiilkaa u qaadaan cusbitalka gargaarka degdegga ah. Middaasi ayuuna ku tilmaamay madaxa gawaarida gargaarka degdegga ee carrigaasi Jörgen Tranevik inay tahay tallaabo halis ah.
- Waa wax lala fajaco halisteeda. Annaga ayaa baaritaan ku sameeyn doona oo eegi doonna sida wax u dhaceen, sida uu sheegay

Wiilka 16-jirka ah ayaa ka soo booday daaqad, kolkii uu diidmo ku helay dalabkiisii magan-gelyo doon, isagoona ku sugnaa deegaan ay ku nool yihiin dhallaanka keli-nimada dalka ku yimaada ee magaalada Gävle, sida uu qoray war-geeyska Arbetarbladet.Balse ey diideen shaqaalihii gaariga ambalaasku iney wiilkaa u kaxeeyaan xarunta gargaarka degdegga ah.

Wiilka ayaaney ka muuqan dhawaacyo loo jeedo, hase yeeshee qabow u il-darnaa, maadaama uu daaqadda oo furan muddo fadhiyay. Dabadeed waxaa cusbitalka u qaaday ciidanka ammaanka.

Jörgen Tranevik, madaxa laanta gawaarida degdegga ayaa dhaleeceeyn isu jeediyay.
- Sawirkan maaha midka aan dooneyno in hoowshayada laga qaato. Bulshada ku dhaqan gobolku waa iney ku kalsoon yihiin hab-kulanka hoowl-wadeennada gawaarida gargaarka degdegga. Waa inaan matalnaa daryeel wanaagsan iyo ammaan in nalgu heli karo, sida uu sheegay Jörgen Tranevik.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".