Tirada qaxootiga soo gasha EU oo kor u kacday

Soo-galootiga magan-gelyo-doonka u yimaada waddammada ku bahoobey ururka Midowga Yurub EU ayaa kor u kacey 10% sannadkii ina dhaafay, iyadoona ey soo gaareen qaxooti tiradoodu gaarsiisan yihiin 332 000 oo ammaan-doon ah.

Dalkan Iswiidhen ayey soo galeen sannadkii tagay magan-gelyo doon tiradoodu gaarsiisnaayeen 44 000, waana tiro uu dalkan ku hantiyay kaalinta saddexaad ee tirada soo-galootiga u soo socdaala waddammada EU-da, halka ey jkaalinta koowaad iyo labaad ku jiraan waddammada Jarmalka iyo Faransiiska.

Isha/ Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".