Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Kufsiyo ku soo batay Stockholm oo laga qeyliyey

La daabacay fredag 22 mars 2013 kl 14.28
Cabsi dheerad ah bay nagu abuurtey
(4:40 min)
Dad ku banaan baxaya kufsi dhallinyaro ugu geysten inan xaafada Rissne sannadkii 2000. laga soo bilaabo ilaa xilligaas oo waxaa sii kordhayey dacwadaha ka dhanka ah danbiyada galmada. Foto: Mark Earthy/Scanpix

Afar kufsi oo kalo gedisan eyna geysteen kooxa dhallinyaro ah ayaa sannadkaan keliya ka dhacay dalkaan Iswedhen, gaar ahaan magaalada Stockholm, inkastoo aysan dhacdooyinka noocaas ah aheyn kuwo naadir hadana warinta warbaahinta arimahaan ayaa welwel iyo cabsi ku abuurtey gabdho badan, sida Ingegerd Kjellgård iyo Nour Moussa oo aan kula kulaney Sergels torg Stockholm.

- Waa arin cabsi faro badan nagu bauurtey, waad taxadereysaa markaad banaan aadeysid ayey wado yiraahden labadaan gabdhood.

Sundbyberg, Kungsträdgården, Alby iyo Tensta. Dhamaan xaafadahaas waxaa ka dhacey Afar kufsi oo kooxo geysteen oona dhacey sannadkaan gudahiisa, kuwaas oo loo geystey gabdho yeryer, sadex kamid ah jufsiyadaan ayaa ahaa gabdho jidka mareyey oo la xoogey kuwaas oo dhamaantood dhacey bishi jounari, kufsiyada noocaan ah ayaan aheyn  kuwo caadiya. Sida ay muujineyso tirkoobka laga heley hayadda ka hortaga faldenbiyeedyada Brottförbygganderådet sannad kasta waxaa dhaca 30-60 kufsi inta badana kufsiyadaas ayaa ah kuwo ka dhaco guri ruux leeyahay, oo ay un si isku yaqaaniin dhibanaha in ruuxa kufsiga geysta.

Laakiin tirokoobkaan kufsiyada ayaa ah mid la sameeyey sagaashamaadkii, mana la xaqiijin karo in kufsiyado badteen in kale, sidaas waxaa yeri klara Hradilova Sedin oo baare ka ah hayaada brottsförebygganderåt brå.

- Hada lama oran karo dhacdooyin kaan waa kuwo caadi soo noqonaya, badanaa dhacdooyinka waxey u dhacaan si lama filaan ah, balse dhacdooyinkii ugu danbeeyey ayaa ahaa kuwo ay saxaafada aad u buunbuunisey una muujisey marka loo fiiriyo kufisyada kale, ayey tiri.

Waxeyna aaminsatahay in saxaafada ay tahay mida ka dhigeysa in kufsiga soo bateen, waxaana dhici karto kufsiyadaan oo kale dhacaan mustaqbalka ay saxaafada sii buunbuuniso.

Laakiin cilmi-baayala ayaa aaminsan in kufsiga gaar ahaan kufsi ay koox wado jir u geysto ay soo badanayaan, waxaana loo aaneyn karaa sawirada iyo filmaanta galmada ah oo haweenka lagu yasayo oo soo batey, kuwaas oo wiilayasha dhallinyarada ah ay internetka bilaasha ugu daawan karaan. Tobankii sanno ee ugu danbeeyey waxaa sadex jibaarmey dacwooyinka kufsiga ah, kuwaas oo ka yemid 2 500 sannadkii horena gaarey 6 200. Inkastoo loo aaneyn karo in falal badan hada sharcigu ka dhigayo kufsi, waxaa sidoo kale aad u kordhey oo afar jibaarmey falalka denbi galmeedka ah ee dacwada laga gudbiyo kuwaas oo sannadkii 2002 ahaa 9 0000 sannadkii horena ahaa 17 000 oo fal.

Kordhiimada dacwada waxaa sidoo kale loo aaneyn karaa dadka oo ay caadi ka dhex noqotey in ay dacwo arimaha noocaan ah ka gudbiyaan, sida uu leeyahay Martin Grann oo ah psykolog iyo barofeserna ka ah  

Karolinska institutet magaalada Stockholm.

- Kordhitaanka noocaan ah waa mid cad, oo aad u badan oo loo moodo in Iswedhen ay ku sugan tahay xaalad ah in danbiyada galmada ah korortey, laakiin wey adagtahay in si cilmiyeysan arintaan loo cadeeyo, ayuu yeri.

Lotti Helström oo dhaqter sare ka ah hosbitaalka Södersjukhuset magaalada Stockholm qeybta  lagu baaro haweenka la kufsadey waxey ayada aaminsan tahay in buubuuninta saxaafada ee arimahaan ay ku dhiiri geleyso in haween badan ku dhacaan dacweynta falal denbiyeedka galmo ee la soo gudboonaada.

- Waxey tahay in maskaxda lagu hayo in haween badan falal noocaan ah dacwo ka gudbiiyaan markey arkaan saxaafada arimahaan shaacineysa, halkey ka qarin lahaayeen oo ay iska aamusi lahaayeen, ayey tiri

Kufsiyada ay koox wado jirka u geysato ayaa ah kuwo ay dhallinyaro da' yar geysato, kufsiga noocaan ah ayaa ah midka  waxuu ka gedisan kufsiga uu hal ruux geysto; dhallinyarada ayaa isku cadaadisa iskuna dhiiro gelisa, sida uu yeri Martin Grann oo ka tirsan rugta Karolinska.

- Sababta loo aanyn karo in arintaan oo kale dhacdo ayaa ah in dhallinyarada ay isku cadaadiyaan, marka kufsiga noocaan dhaco badanaa koox badan ayaa ku lug leh, laakiin ruuxa kooxdaas ku jira waxaa suurto gal ah in uusan keligiis waxaan oo kale sameeyeen, ayuu yeri Martin Grann oo ah psykolog barofesar ka ah rugta Karolinska.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".