Sawirle: Pontus Lundahl/Scanpix.

Annie Lööf: Aad ayaan ugu qanacsanahay natiijada ka soo baxday kulanka

Kulan aan caadi ahayn oo soo gabagaboobay maalintii axadda ee shalayto eyna isugu yimaadeen xubnaha siyaasiyiinta dalka ee xisbiga Dhexe (Senterka) ayey ku guuleeysteen iney ansixiyaan qorshe siyaasadeed horraantii sannadkan u dhaliyay dood ballaaran ee la xiriiray siyaasadda mustaqbalka ee xisbiga.

Hogaamiyaha xisbiga Annie Lööf ayaa sheegtay gabagabadii kulanka inay ku qanac-san tahay go'aanka ka soo baxay, inkasta oo horraantii ey ka jireen is-qabqabsiyo ballaaran qodobbadii qorshaha siyaasadeed ee mustaqbalka xisbiga.
- Waxaa laga soo gudbey xilli aad u dhib badnaa, waana midka sababay in xubno aan horay u daneeyn jirin dhabbada siyaasadeed ee xisbiga ey hurddada ka kacaan oo si dardar leh uga qeyb qaataan doodaha qorshahan. Qorshaha ey soo ban-dhigeen aniga iyo hoggaanka xisbigu waa mid aqlabiyad lagu ansixiyey, sida ay sheegtay.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".