Cecilia Malmström. Sawirle: Ulf Palm/Scanpix/

Ardeyda dibadda ka soo jeedda ee jaamicadaha oo aad hoos ugu dhacey

Wa howlo la xiriira istraatiijiyada mustaqbalka
3:00 min

Waddammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub waa iney helaan ardey ka fara badan kuwa iminka jaamicadaha u yimaada ee ka soo jeeda waddammada ka baxsan Yurub, sida ay qabto wakiilka dalkan u matasha hoggaanka sare ee ururka Midowga Yurub Cecilia Malmström, iyadoona maanta soo ban-dhigi doonta fikir sharciyeed u sahlaya ardeyda ka soo jeedda waddammada ka bax-san EU-da ee dooneya iney tacliin sare u yimaadaan jaamicadaha Yurub.

Jimcadii ina dhaaftay ayuu sarkaal u hadlayay shirkadda is-gaarsiinta ee Ericsson sheegay iney jiraan cabsi laga qabo in baahi ka dhalato hoowl-wadeennada haysta shahaadooyinka injineer-nimo maadaama ey aad hoos ugu dhaceen ardeyda ka soo jeedda waddammada ka bax-san EU-da ee wax ka barata jaamicadaha Iswiidhen.

Wixii ka dambeeyay sannadkii 2011 oo khidmad lagu soo rogey ardayda ajaaniibta ee dooneysa sidii ey wax uga baran lahaayeen jaamicadaha dalkan ayaa hoos u dhacey 80%, halka sidoo kale loo baahan yahay sidii ey jaamicadaha Yurub ku soo xera-gelin lahaayeen ardey ka soo jeedda qaaradaha ka bax-san Yurub, sida ay qabto Cecilia Malmström.

Qorshaha hoggaanka sare ee EU-da ayaa u sahlaya ardeydani iney ka shaqeey-san karaan waddammada ey wax ka bartaan muddada ey tacliinta ku jiraan iyo goorta ey tacliintooda dhameeystaanba. Qaar ka mid ah waddammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub, sida Luksemburg iyo Litaawen ayey iminka mamnuuc ka yihiin in ardeyda ajaaniibtu ka shaqeeysan karaan waddammadaa. Qorshahan ayaa qoraya in ardeydu ey ku sugnaan karaan waddammada ey wax ka barteen tacliintooda dabadeed muddo hal sano ah sidii ey ku shaqa raadsan lahaayeen, mana ahan wax loo baahan yahey iney ku qaadato wax ka badan laba bilood sidii lagu ogaan lahaa in deggenaansho ama ogolaansho joogitaan (viisa) lagu heley dalka iyo in kale.

Waddammada xubnaha ka ah EU-da ayey maanta ku dhaqan yihiin dadyoow gaarsiisan 26 malyuun oo ku sugan shaqa la’aan, waana mid ay Cecilia Malmström u aragto masiibo, hase yeeshee ulama muuqato in ardeyda dibadda ka soo jeeddaa iney dadyoowgaa halis ku yihiin hoowlahooda. Dhanka kale ayay qabtaa in waddammada Yurub u baahan yihiin sidii ey ku soo jiidan lahaayeen ardeyda waddammada ka bax-san qaaradda Yurub:
- Ma ahan wax is diiddan labadaa arrimmood. Dadyoowgan ayaa ah kuwo aad u tiro yar. Iyadoona ey marar badan dhacdo iney shirkado abuuraan, ama ey qabtaan howlo looga baahan yahay aqoon sare ee hor-seedi kara hoowlo lagu sameeyo maal-gelin hor leh oo abuura shaqooyin cusub. Waa dadyoow istraateeji ah sidii loo food-saari lahaa mustaqbalka iyo tartanka dhanka suuqa baayacmushtarka., sida ay sheegtay Cecilia Malmström.

 Isha/ Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".