Sawirle: Hasan Mroue/Scanpix.

Xaaladdii dhaqaale ee dalka Qubrus oo heshiis laga gaarey

Mustaqbalka ayaa laga fekeri doonaa bangiyada wax lagu keydsado
3:05 min

Hoggaanka dalka Qubrus ayaa xalay heshiis kula gaarey waddammada ku bahoobey ururka dhaqaalaha ee lacagta euro-oga dayn gaarsiisan 10 bilyan oo koron sidii loo badbaadin lahaa dhaqaalaha dalkaasi oo ku sugan xaalad cakiran. Miisaaniyadda 10-ka bilyan ayey bixin doonaan dayn-biyeyaasha caalamiga, bangiga ECB iyo dadyoowga saamiga ku leh labada bangi ee dalka ugu waaweyn marka laga reebo dadyoowga ey bangiyadaa u yaalaan dhaqaalaha aan badneyn. Cecilia Skingsley, ahna madaxa laanta dhaqaalaha ee bangiga Swedbank ayaa sheegtay inay wanaag u aragto xalka xalay la gaaray:

- Marka ugu horeeysa wuxuu heshiiskani u wanaag-san yahay bulshada dalka Qubrus ku dhaqan gudihiisa iyo sidoo kale waddammada dibadda. Waxaa jiray bangiyo ku sugnaa dhaqaale liita oo u baahan taageero dhaqaale ee lagu badbaadiyo. Wuxuu kaloo wanaag ku jiraa in khidmmadaha la qaadeyaa aaney quseeyn bulshada dalkaa ku dhaqan oo dhaqaalaha aan badneyn ugu keeyd-san yihiin bangiyada, dadyoowga ey u keeydsan yihiin dhaqaale gaarsiisan ugu badnaan 100 000 oo ah lacagta euro-oga.

Dhanka kale daynta la siin doono dalka Qubrus ayaa sida ay sheegtay Cecilia Skingsley la fileyaa iney mid deggan ka dhigto welwelka dhaqaale ee dalkaa ka jira iyo guud ahaan waddammada ku bahoobey isticmaalka lacagta euro-oga. Cecilia Skingsley, ayaa aamin-san in xaaladda ka aloosan dalka Qubrus aaney saamayn ballaaran ku yeelanayn dhaqaalaha dalka Iswiidhen, maadaama aannu dalkan Iswiidhen la lahayn xiriir baayacmushtar ee sidaa u ballaaran dalka Qubrus:
- Waa wax dhici kara iney jiraan dadyoow dalkan u dhashey oo ey lacag ugu keeyd-san yihiin bangiyada ku ka howl-gala dalka Qubrus oo laga jari doono canshuur mar keliya ah iyo shirkado dalkaa la wadaaga baayacmushtar, hase yeeshee guud ahaan ma ahan mid sidaa u saameeyneya dhaqaalaha dalkan.

Inkasta oo aanay xaaladda dhaqaale-darro ee ka aloosan dalka Qubrus aanay saameeyn ballaaran ku yeelan dhaqaalaha dalka Iswiidhen iyo guud ahaan waddammada isticmaala lacagta euro-oga ayay qabtaa Cecilia Skingsley in amuurtani saamayn ku yeelan doonto hab-fikirka dhigashada lacagaha ee bangiyada ee mustaqbalka. Waxayna aamin-san tahay in caqabadihii dhaqaale ee la soo marey afartii sannadood ee ugu dambeeyey ey wax kaga barteen bulshada iyo shirkaduhuba halista ey leedahay in dhaqaale lagu keeydsado waddammada shisheeye, iyadoona qabta in mustaqbalka lagu keeyd-san doono dhaqaalaha waddammada ey u dhasheen dadyoowgaasi.
- Mustaqbalka soo socda ayey bulshada iyo shirkadaha ku haysta dhaqaale waddammada ey ka aloosan yihiin welwel dhaqaale ey isku deyi doonaan wax ka ogaanshaha xeerarka ka jira waddammadaasi.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".