Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Xero tababar ee Al-shabaab. Sawirle: Farah Abdi Warsameh/Scanpix.

Laba walaalo ah oo lagu ridey xukun argagixisnimo

Maxkamad maanta ka dhacday magaalada Århus ee dalka Danmark ayaa maanta lagu caddeeyey iney laba wiil oo walaalo ah da'dooduna tahay 19 iyo 24-jir iney ku talo jireen sidii ey ugu tallaab-san lahaayeen falal argagixis-nimo oo uu soo abaabulay ururka Al-shabaab ee carriga oo ka aasaasan dalka Soomaaliya. Labadan wiil ayaa lagu si cad loogu eedeeyey iney ka dambeeyeen dhaqaalaha ku baxay tababar uu wiilka weyni ku qaatay xero ku taala Soomaaliya ee loogu soo diyaariyey fulinta falalka agragixis-nimo. Waana markii ugu horeeysay ee xukun noocaasiya uu ka dhaco dalka Danmark iyada oo middaa loo tiigsaneyo.

Labada wiil ee walaalaha ah ayaa iska dheereeyey dacwaddan lagu soo oogey, iyadoona dhanka kale lagu waayey qodob ka dhan aheyd oo la xiriiray iney taageero dhaqaale u fidiyeen ururro argagixiso ah.

Go'aanka ciqaabta ee maxkamadda ayaa la fileyaa in gadaal looga dhawaaqo.

Isha/ Århus (TT-Ritzau)

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".