Sawirle: Jessica Gow/Scanpix

Dhallinyaradu taageero kama helaan khasnadda shaqa la’aanta ee a-kassa

Tirada dhallin-yarada ee taageerada ka hesha khasnadda shaqa-la’aanta ee a-kassa ayaa hoos u dhacdey, iyadoona ey qiyaastii 10% ee dhallin-yaradaa ka mid ahi uu dhaqaale ka soo galo khasnadda a-kassa, waana tiro 78% ka hooseeya marka loo barbar-dhigo sannadkii 2006. Intaa waxaa u dheer in shaqa-la’aantii dalku kor u sii kacday, sida ku cad war-bixin uu sameeyay ururka shaqaalaha ee LO.

Maamulka dalka ayaa adkeeyay habkii hore looga heli jirey taageerada dhaqaale ee khasnadda shaqa-la’aanta, iyadoona meesha laga saarey in ardeygu inta uu wax-baraneyo buuxiyo ama loo aqoonsado xubin-nimada khasnadda si ey u khasnadda a-kassa dhaqaale uga dalban karaan dabadeed.

Dhammaan baaxadda dalka ayey bishii oktoobar ee sannadkii 2012 khasnadda shaqa-la’aanta ee a-kassa dhaqaale ka heleen dhallin-yaro tiradoodu gaarsiisan yihiin 7 700 oo ruux, koolka loo barbar-dhigo isla bishaa ee sannadkii 2006.

Isha/ Ekot, TT

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".