Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dareewallo ku tallaabsadey falal faqooq ah

La daabacay måndag 25 mars 2013 kl 16.45
Sawirle: Bertil Ericson Enevåg/Scanpix

Shirkad labaad ee ka mid ah shirkadaha basaska ee rakaabka kala waarida ayaa lagu dhaleeceeyey iney ku talaabsatay falal faqooqnaan iyo kala saaridda qowmiyadda iswiidhishka asal ahaan ka soo jeedda iyo ajaaniibta. Dhacdo bishii diseembar ee sannadkii tagay ka dhacday magaalada Örebro eyna ka dambeeyeen basas ay leedahay shirkadda basaska ee lagu magacaabo ”Björcks

Sida uu sheegay Hassan Alizadeh, kana mid ahaa rakaabka in loo qeeybiyey rakaabka koox iswiidhishka asalka ah iyo kuwa sitey magacyada ajaaniibta ee aannu dalkani la bixin. Dadyoowgii iswiidhishka asalka ahaa ayaa raacey baskii hore halka dadyoowgii sitey magacyada ajaaniibtana ey sugeen bas gadaal ka yimid.

Shirkadda ayaa iska dheereeysay eedeeymaha loo soo jeediyey, hase yeeshee sheegtay mar ay wareeysi siisay laanta wararka ee idaacadda SVT inuu 22-kii bishii diseembar rakaabka loo kala qeeybiyey awooddooda. Shirkadda ayaa sameeysa liis rakaabka oo ku saleeysan magaalooyinka ey ka soo jeedaan, magacyadooda, lambarka tigidhada iyo tirada inta ruux ee isla socota. Agaasimaha shirkadda Tomas Björk ayaa sheegay in dareewalladu kala doortaan iyaga oo qiimeeynaya tirada inta ruux ee isla socota, si haddaba boosasku ugu fillaadaan illaa laga soo gaaro goobta loo socdo.

Isha/ SvD

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".