Sawirle:Martin Olson/Scanpix

Xiriirka qalalka iyo tallaalka hargabka doofaarka

Wakaaladda dawooyinka ayaa maanta soo ban-dhigi doonta baaritaankii ugu weynaa ee lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya xannuunka qalalka iyo tallaalka Pandemrix ee hargabka doofaarka. Baaritaankan ayaa lagu sameeyey dadyoow tiradoodu gaarsiisan yihiin 3,3 malyuun oo ka mid ah bulshada dalkan ku dhaqan ee lagu dhuftey talaalka hargabka doofaarka iyadoona loo barbar-dhigey dadyoow gaarsiisan 2,5 malyuun oo ka door-bidey in aaney tallaalka qaadan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".