Sawirle: Eva Rehnstöm/Sveriges Radio.

Tacliinta waalidka ayay ku xiran tahay natiijada waxbarasho ee dhallaanka

Iyada oo maamulka dalkan Iswiidhen uu geliyo miisaaniyaddii ugu badneyd hoowlha wax-barasho ee dhallaanka ayaa dhanka kale, sida uu baaritaan ku soo ban-dhigay war-geeyska Dagens Nyheter in aannay natiijo sidaa u ballaaran middaa ka soo hoyin sidii lagu joojin lahaa hoos u dhaca ku yimid heerka tacliineed ee dhallaanka, halka la sheegay in saameeynta ugu ballaaran ey ku leedahay xiriirka nidaamka tacliinta iyo kala faqooqnaanta. Waana sawir aad ugu soo badanaya goobaha tacliinta ee dalka.

Maamullada degmooyinka ee dalka ayaa aad u miisaaniyad-geliya iskuullada, miisaaniyaddaasina oo gaarsiisnayd sannadkii 2000, 55 400 oo koron ardaygiiba, iyada oo wixii muddadaa ka dambeeyey ay aad kor ugu kacday. Sannadkii 2011 ayey maamullada degmooyinka ku miisaaniyad-geliyeen iskuullada dhaqaale gaarsiisan 87 500 oo koron ardaygiiba, waana kor u kac miisaaniyadeed  gaarsiisan 31% kolka weliba la qiimeeyo sicir-bararka, hase yeeshee ey hoos u dhacayo heerka tacliineed ee dhallaanka.

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".