Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Guul darro laga gaarey hoowlaha howlgelinta dadyoowga shaqa la'

La daabacay tisdag 26 mars 2013 kl 10.54
Ma fahmi karo muhiimadda cilmi-baaristan ka dambeeysay
3:09 min
Sawirle: Joakim Oldeen / Sveriges Radio.

Caqabad ayaa ka aloosan habka kala saaridda hoowleed ee dadyoowga shaqa-la'aanta ku sugan. Dadyoowgaa qaarkii oo loo diro aqoon-kororsi ayaa u baahnaan lahaa goobo shaqo oo ey tababar ku sameeyaan, halka kuwooda loo diro tababarka ey u baahnaan lahaayeen aqoon.kororsi, sida ku cad war-bixin uu qoray machadka qiimeeynta suuqa shaqada iyo aqoon-kororsiga ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno Ifau.

- Haddii la eego dadyoowga lagu hoowl-geliyey tababar goobaha shaqada ey ku sameeyaan ayaa ku guuleeysan lahaa iney qeyb ka noqdaan suuqa shaqada, haddii ey heli lahaayeen aqoon-kororsi, halka dhanka kale dadyoowga loo direy aqoon-kororsiga ey si uga degdeg badan ugu suurtageli laheyd iney suuqa shaqada qeyb ka noqdaan hadey heli lahaayeen suurtagal ah in goobo tababar shaqo, sida uu sheegay Anders Forslund, ahna caalin ku takhasusay culuunta dhaqaalaha qaran, isla-markaana ah ku simaha agaasimaha hayadda Ifau.

Natiijada war-bixinta ayey ka muuqdaan is-burin fara badan, sida uu aaminsan yahay..

War-bixintan ayey culimada baaritaanka ku sameeysey isu barbar-dhigtey laba qeeybood oo ka mid ah dadyoowga loo diro tababarka shaqo iyo kuwooda lagu howl-geliyo aqoon-kororsiga. Iyagoona baaritaan ku sameeyey dadyoow tiradoodu gaarsiisan yihiin 106 000 oo ruux, kuwaasina oo ku howlanaa hoowlaha kala ah tababar shaqo iyo aqoon-kororsi mudooyinkii u dhexeeyey sannadihii 1999 illaa iyo 2006.

Iyadoona ey culimada war-bixinta soo sameeysey sheegeen in miisaaniyadda ku baxda howlaha tababarka shaqo iyo aqoon-kororsiga la siiyo dadyoowga shaqa-la'aanta ku sugani ka badan tahay faa'iidada laga gaaro, mana ahan tallaabooyin lagu gaaro goolashii laga lahaa ee howl-gelin iyo kor u qaadidda dhaqaalaha dadyoowgaasi.

War-bixinta ayaa sidoo kale lagu sheegey in aaney helin aqoon-kororsigii ey u baahaan lahaayeen dadyoowga bannaanka muddaba ka joogey suuqa shaqada, halka ey dadyoowga ey uga sahlanaan laheyd sidii ey suuqa shaqada ula qabsan lahaayeen lagu kharashgareeyo tallaabooyinka uu dhaqaalaha badani ku baxo ee aqoon-kororsiga.

Hoowlahan ayey ka sahlanaan lahaayeen sidii looga gool-gaari lahaa haddii la isu dhaafsiin lahaa labada garab tallaabooyinka ey ku hoowlan yihiin, sida ay aaminsan yihiin cilmi-baareyaashu.

Clas Olsson, ahan ku simaha agaasimaha hayadda shaqada ayaa shaki ka muujiyay natiijada lagu soo ban-dhigey war-bixinta.

- Si sugan uma fahmi karo natiijada laga gaarey baaritaanka ee labada kooxood la isku bedeley, hase yeeshee waa inaan eegid ku sameeynaa iyo in aan wax ka koror-san karno. Waa suurtagal inaan wax ka faa'iidno, sida uu sheegay.

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".