Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, Ciro. Af-hayeenka maamulka Soomaaliland. Sawirle: Kenadid Maxamed

Dhallinyarada in la howl-geliyo ayaa ka wanaagsan in ciidamo loo diro

Kharashka ha la geliyo sidii dhallin-yarta loo howl-gelin lahaa
2:33 min

Kulan socdey laba saacadood iyo bar oo maanta duhurnimadii ka dhacay faras-magaalaha Istockholm, ayaa lagu soo qaadey arrimmaha burcad-badeedda iyo carriga Soomaaliland. Kullankaasi oo lagu casumey gudoomiyaha baarlamanka ee maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ku magac-dheer Ciro, wuxuu goobtaasi ka jeediyay war-bixin la xiriirta xaaladda burcad-badeed ee carrigaasi iyo xeerarka ka hir-galey ee looga hor-tegeyo sidii falalkaa lagu joojin lahaa.

Dhanka kale ayey muddada uu kulankaasi socdey ey dhabbada ku sii jiraan ciidan mariinees ah ee ka mid ah ciidammada badda ee dalkan Iswiidhen lana fileyo iney toddobaad gudihiis gaaraan gacanka cadmeed iyo bad-weynta Hindiya, sidii ey muddo afar bilood ah uga qeyb qaadan lahaayeen howl-galka dhanka ah burcad-badeedda oo ey carrigaa ka wadaan waddammada ku midoobey ururka Miodwga Yurub ee qorshaha loogu magac-darey "Atlanta".

Kulanaasi dabadeed ayey haddaba noo suurtagashey in aannu dhowr su'aalood wax ka weydiinno Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Ciro, af-hayeenka baaralamanka ee maamulka Soomaaliland iyo hoowlaha safarka ee uu dalkan ku yimid.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".