Dowladda oo iftiimisay hawlaha culus oo soo foodsaari doona

Guddiga dowladda u qaabbilsan saadaalinta mustaqbalka ayaa maanta soo bandhigay warbixintiisii ugu dambeysey. Raysal wasaare Fredrik Reinfeldt iyo hoggaamiyayaasha saddexda xisbi ee dowladdu kula jira ayaa maqaal-doodeed oo ay maanta ku qoreen wargayska Svenska Dagbladet ku sheegay in ujeeddada laga leeyahay warbixinta ay tahay in la saadaaliyo hawlaha Iswiidhen soo foodsaari doona sanadaha 2020 iyo 2050.

Arrimaha lagu soo qaaday waxaa ka mid ah horumar waara, jawi tartan ganacsi oo wax-ku-ool ah iyo in asaas wanaagsan loo dhigo cilmi-baarista iyo waxhinsidda.

Dowladdu kuma dhiirran karto in ay daraasadda saadaalinta u beddesho waxqabad la taaban karo. Kadib markii uu raysalwasaaruhu kulan la qaatay guddiga saadaalinta mustaqbalka, ayuu sheegay in uu kulanka ka soo baxay isagoo aad u cagajiidaya. Xubno badan oo guddiga ka tirsan ayaa muujiyey in aysan ku qanacsanayn habka hawluhu u socdaan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".