Macallinka sawirka shaqa kuma laha dhumucda maqaalka. Sawirle: Janerik Henriksso/Scanpix.

Ciddii doonta ayaa macallinimo ku howl geli karta

Aad iyo aad ayuu hoos ugu dhacay qiimaha xirfadda macallin-nimo, iyadoona gaartay heerkii ugu hooseeyey. Waa fal aad u sahlan in boos laga helo goobaha tacliinta sare ee lagu qaato takhasuska bare-nimo, waana mid lagu gaari karo iyada oo un laga jawaabo su'aalaha imtixaanka tacliinta sare waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo "högskoleprovet" iyada oo xitaa aan su'aalaha la akhriyin.

Xilligii dayrta ee ina dhaafey ayey jaamicaddaa macallimiinta galeen ardey gaarsiisan 123 oo imtixaankii tacliinta sare ee jaamicadda lagu geli lahaa ku heley dhibco gaarsiisan 0,1, sida uu baaritaan ku ogaaday war-geeyska Dagens Nyheter.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".