Khayaamadii hilibka faraska oo soo yaraatay

Wakaaladda kontaroolka cuntooyinka ayaa baaritaan ay ku samaysay hilbaha aan ka helin calaamado muujinaya in hilibka faraska la dhexgeliyey. 

Wakaaladda ayaa baaritaan ku samaysay ilaa 150 nooc oo hilib ah oo isugu jiray hilbo dhowaan la qalay iyo kuwo warshadeysan sida hilib-shiidka, hilibka baakadaysan iyo haambuurgarka. Labo iyo toban kontarool ayaa laga helay in ka yar boqolkiiba hal oo hilib faras ah. Wakaaladda kontaroolka cuntooyinku ayaa qabta in ay tahay wax la aqbali karo maadaama aysan suurta gal ahayn in la helo badeecad saafi ah boqolkiiba boqol.

Sidoo kale baaritaanadaas lagama helin raadad daawooyinka fardaha la siiyo.

Kadib markii fadeexada hilibka farasku bil ka hor soo ifbaxday ayaa Golaha Midowga Yurub soo bandhigay ra’yi lagu baarayo kumaankun badeeco hilbo ah.

Wakaaladda kontaroolka cuntooyinka ayaa sii wadi doonta baaritaanka badeecadaha, laakiin hadda hilibka doofaarka ayaa laga baarayaa in lagu dhexqalday hilbaha kale. Ylva Sjögren oo ka socota Wakaaladda Kontaroolka Cuntooyinka ayaa sheegtay in sababta baaritaanku ay ku timid in boqortooyada Ingiriiska laga ogaaday in hilib baakaysan oo hilib lo’ ku dulqoran yahay laga helay in hilib doofaar ku jiro. 

Isha: Ekot/Svt nyheter

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".