Sawirle: Scanpix

Koboca dhaqaalaha Iswiidhen oo dhutinaya

Machadka Xaaladda Dhaqaalaha (Konjunkturinstitutet, KI) ayaa cabbiriddii bisha ku sheegay in dhaqaalaha Iswiidhen uu ka liito sidii caadiga ahaan jirtay. 

Kadib markii uu sannadkii hore kordhay boqolkiiba 0,8, ayaa sannadkaan la filayaa in isugeynta waxsoosaarka dalku kor u kaco boqolkiiba 1,3. Waana koror liita oo micnehiisu yahay in baahida xoogga shaqadu tartiib u kordheyso iyo in shaqala’aantu heer sare u sii socoto.

Machadka Xaaladda Dhaqaalaha ayaa ku qiimeynaya in aysan suurta gal ahayn in canshuurta la dhimo inta doorashada ka horreysa haddii la doonayo in la gaaro ujeeddada waxsoosaar dheeraad ah. Waxay habboon tahay in canshuurta la kordhiyo kadib sannadka 2014. 

Machadka Xaaladda Dhaqaalaha ayaa rumeysan in dulsaarka Bangiga dhexe ay sii ahaan doonto boqolkiiba 1, 0 sannadkaan iyo sannadka dambe. Sannadka 2015 ayaa la kordhin doonaa boqolkiiba 1,5. 

Isha: TT/ Konjunkturinstitutet

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".