Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallaanka dan yarta wey ku adag tahay iney ka qeyb qaataan ciyaaraha

Ciyaarta kubbadda cagtu uma kharash yara sida la moodeyo
2:46 min
Dan-yarta wey ku adag tahay iney ka qeyb qaataan ciyaaraha. Sawirle: Dan Loh/Scanpix

Qaar badan oo ka mid ah reeraha fuqarada ayey ku adag tahay sidii ey dhaqaale ugu heli lahaayeen in dhallaankoodu ka qeyb-qaataan xiisaha ciyaaraha. Degmada Botkyrka ayaa u qoondeeysay dadyoowga qaata lacagta ceeydha dhaqaale loo-dhex-xirey dhallaanka iyo in lagu miisaaniyad geliyo oo keliya xiisaha ciyaaraha ee dhallaanka. Lotta Persson waa madaxa waaxda bulshada ee degmada Botkyrka:

- Waxaa jirta in haddii uu reerku muddo ku noolaa taageerada dhaqaale ee ceeydha uu reerkiiba xaq u yeesho dhaqaale gaarsiisan 2 500 oo koron sannadkii, looguna talo-galey hoowlaha xilliyada fasaxa ee dhallaanka, waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo Fritidsaktiviteter.

2.500 oo koron oo dheeri ah sannadkii, marka laga reebo dhaqaalaha ceeydha ee qooyska la siiyio. Miisaaniyaddan ayaa la bilaabey muddo iminka sannad laga joogo. Halka si loo xaqiijiyo in lacagtaasi gashey hoowlaha dhallaanka la bixiyo kolka aad rasiid keento, sida ay sheegtay Lotta Persson:
- Waa mid aannu ku xaqiijineeyno in lacagtaasi gashay halkii loogu talo-galey. Waxey geli kartaa hoowlo ey ururro hor-boodaan, qalab loo baahan yahay, dibad joog la aado, waxyaalo fara badan, sida ay sheegtay.

Waxaa sidoo kale caddaatay, sida uu baaritaan ku sameeyay sannadkii 2009 ururka daladda ururrada ciyaaha in ciyaaro loo heysto iney ku baxaan kharash yar sida kubbadda cagta iyo xeegada loo baahan yahey isku celcelin 3 700 oo koron sannadkii si looga qeyb qaato.

Waa dhaqaale aaney awoodin qooysas badan oo ku dhaqan degmada Botkyrka, sida uu sheegay Mats Einarsson oo degmada u metela xisbiga Bidixda ee Vänster:
- Degmada waxaa ku dhaqan dhallaan aad u fara badan. Qaar badan oo ka mid ahi ma heli karaan dhaqaale ku filan, waana falal ku khasbaya maamulka degmadu sidii uu taageero dheeri ah ugu fidin lahayd sida uu sheegay.

Maamulka degmada Botkyrka ayey siyaasiyiintu ka mideeysan yihiin amuurtaa, sida uu sheegay mid ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Mudaraatka u metela degmada Jimmy Beker:
- Waxaan qabaa in dhallaanka ka faqooqan ciyaaraha middaasina ugu wacan tahay dhaqaale-darrada heysata ey ka jiraan waddanka oo dhan, hase yeeshee ey ku kala tiro badan yihiin degmooyinka, sida uu sheegay Jimmy Beker oo xisbiga Mudaraatka u metela degmada Botkyrka.

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".