Sawirle: Magnus Hjalmarson Neideman/Joakim Ståhl/ SCANPIX

Weerarkii ilaa hadda ugu weynaa ee shabakadda Internet

Weerarkii ugu weynaa taariikhda internet ayaa haleelay shirkadda Spamhaus oo la dagaalanta dhambaalada qashinka ah ee internet. Weerarkaasi wuxuu yimid kadib markii Spamhaus ay isticmaalka internet ka xayirtay shirkadda Cyberbunker oo lagu tuhmay in ay ka dambeysey weeraarkaas.

Weerarku wuxuu keenay in malaayiin dad ah uu isticmaalka internet ka daaho. Anders Nilsson oo ah madaxa qaybta ammaanka ee shirkadda Eurosecure wuxuu qabaa in uusan weeraraasi weli istaagin oo carqalado ku sii abuuri doono qaar badan oo ka mid ah adeegyada internet.

- Netflix ayaa ka mid ah kuwa la soo weeraray. Weerarkuna weli waa sii socdaa oo waxaa dhici doonta in adeegyo badani gaabiyaan ama ay mararka qaarkood hawada ka baxaan.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".