Sawirle: Ola Torkelsson/Scanpix

Fadime aabbaheed oo laga diiday in wakhtiga xabsiga loo cayimo

Aabbihii toogashada ku dilay gabadhiisa Fadime Sahindal kow-iyo-toban sano ka hor oo hadda ku xukuman xabsi daa’in ayaa laga diiday in wakhtiga uu xabsiga ku jiri doono loo cayimo ama gooyo.

Maxkamadda rafcaanka ee Göta ayaa ku raacay go’aankii maxkamadda demadu ay horay ugu gaartay in ay adag tahay in la qiimeeyo khatarta in uu geli doono falal dembi oo noocaas ah iyo in kale.

Bishii diseember ee sannadkii la soo dhaafay ayuu ninkani rafcaan ka qaatay go’aankii maxkamadda degmada oo ahaa in aan xukunka xabsiga daa’inka waxba laga beddelayn.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".