Xisbiga Miljöpartiet oo u doodaya in macallimiinta la maangeliyo

Dowladdu waxay dooneysa in ay dayrtaan 2,5 bilyan ku maalgeliso shaqooyinka macallinimada, laakiin xisbiga Miljöpartiet ayaa doonaya in maalgelintaas la gaarsiiyo 5 bilyan. Maalgelinta ayaa lagu doonayaa in lagu abuuro xirfado macallinimo iyo maamule dugsi iyo in mushaharooyinka lagu kordhiyo 10000 oo karoon bishii. Dowladda dhexe ayaa afarta sano oo ugu horreeya bixin doonta qaybta mushaharka lagu kordhiyo.

Afhayeenka xisbiga Miljöpartiet Gustav Fridolin wuxuu qabaa in ra’yiga dowladda oo khuseeya macallimiinta dugsiyada hoose iyo kuwa sare uu yahay mid aan lahayn tayo sidaa u sii weyn. Wuxuu doonayaa in maalgelinta lagu daro macallimiinta dugsiyada barbaarinta iyo xarumaha xannaanada carruurta.

- Hadba waa wixii mudnaanta la siiyo. In shirkadaha laga dhimo canshuurta waxaa annaga nooga muhiimsan in la maalgeliyo hawlaha waxbarashada iyo cimilada wanaagsan.

Isha: SVT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".