Sawirle:Scanpix

Guga oo sanboor culus daadihinaya

Xilliga qaboobaha oo dheeraadaa wuxuu cagta ku wataa sanboor ka culus kii caadiga ahaa. Sidaas waxaa sheegay Åslög Dahl, oo ah mas’uulka shaybaarka faxalka ee jaamicadda Göteborg.

Cimilada qaboobi waxay daahisaa in ubaxyada dhirtu soo baxaan, laakiin markii ubaxyadu bilowdaan, waxay durbadiiba ku soo baxaan xajmi sidii hore ka ballaaran. Waxaase dadka sanboorka qaba qalbigooda lagu dejinayaa in sannadkaan xilliga ubaxu ka yaraan doono sidii caadiga ahayd.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".