Maalmaha qooysaska muslimiinta

Kulanka qooysaska muslimiinta oo jimcada ka furmi doona Älvsjö

Waan iska hubinnaa culimada aan mu'tamarka ku casumeeyno
5:30 min

Galab-nimada maalinta jimcada ee foodda innagusoo heysa bishuna ku beegan tahay 29-ka maarso waxaa xarunta carwada ee xaafadda Älvsjö ka bilaabmi doona markii ugu horeeysay kulan socon doona saddex maalmood oo loogu magac-darey "Maalmaha qooysaska muslimiinta". Kulankan oo ey soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah ururrada muslimiinta ee Iswiidhen.

Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Suudaani, wuxuu ka mid yahay xiriiriyeyaasha hoowl-wadeennada soomaalida oo wax ka abaabuleysa kulanka. mu'tamarka ee maalinta jimcada ka furmi doona magaalada Istockholm. In-kastoo ay horay xilligan oo kale u dhici jiray kulammo noocani ah, ayuu haddana uu sannadka ku cusub yahay in loogu talo-galey qooyska oo dhan, halkii uu horay ugu wajahnaa dhallin-yarada. Waa maxay haddaba fikirka iyo baahida ka dambeeysey tallaabadan.

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se                                   

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".