Sawirle: Ejvind Johansson/Sveriges Radio

Kalkaaliyayaal caafimaad oo shaqooyinkoodii dib ugu noqday

Kalkaaliyayaal caafimaad oo tiradoodu dhan tahay 33 oo ka shaqaynayey isbitaalka carruurta ee magaalada Lund ayaa dib ugu noqday shaqooyinkoodii kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo shaqabixiyaha awgiis ay sannadkaan horraantiisii shaqada uga fariisteen. Sidaasna waxaa maanta shabakadda internet ku qoray wargeyska Dagens Medicin.

Khilaafkani ka dhashay shaqabixiyaha oo ka noqday heshii uu horay u galay. Ka noqoshadaasi waxay sababtay in kalkaaliyayaasha caafimaadku ay ku waayaan ilaa 2000 oo karoon oo mushaharkooda ka mid ahayd.

Kalkaaliyayaasha waxaa loo qabtay ilaa xalay habeenbarkii in ay uga noqdaan shaqojoojinta. Kadib markii toddobaadkii hore uu heshiis dhexmaray dhinacyadii ishaystay, ayey dhammaantood dib ugu noqdeen shaqadii.

Isha: Ekot/ Dagens Medicin

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".