Sawirle: Tobias Lundgren/Scanpix

Tirada carruurta xoogga lagu masaafuriyo oo cirka isku shareertay

Waxaa saddexdii sano oo ugu dambeysey aad u soo kordhayey tirada carruurta xoogga ama khasabka lagu masaafurinayey. Hay’adda Socdaalku ayaa sannadkii 2010 boliiska u gudbisay 64 arrin oo ku saabsan ilaa 144 ilmood oo keligood Iswiidhen yimid, lana go’aamiyey in dalka laga masaafuriyo.

Carruuraha la masaafurinayey waxaa badankood sannadihii ugu dambeeyey loo celinayey dalka Seerbiya. Intooda badanina waa carruur u dhalatay qowmiyadda roomerka. Dalalka kale oo ay Iswiidhen u masaafurisay carruur tiro badan waxaa ka mid ah Talyaaniga, Danmaark, Noorwey iyo Jarmalka.

Sannadkii 2012 waxaa Iswiidhen soo galay carruur keligood socota oo tiradoodu ku dhowdahay 3600 oo qof. Kolka loo barbardhigo sannadkii ka horreeyey waxay tiradoodu korodhay boqolkiiba 35. 

Isha: Metro

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".