Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Bidixda oo ku baaqay wadashaqayn

Publicerat tisdag 2 april 2013 kl 11.14
Sawirle: Magnus Hermansson

Xisbiga bidixdu (Vänsterpartiet) wuxuu doonaya in kadib doorashada 2014 dhidibada loo aaso wadashaqayn dhexmarta xisbiyada u janjeera dhanka bidixda. Hoggaamiyaha xisbiga Jonas Sjöstedt ayaa bogga doodaha ee DN ku qoray ra’yigaan oo ku wajahan shirweynaha xisbiga dimoqraadiyiinta bulshada (Socialdemokraterna) oo bilaaban doona arbacada soo socota.

Jonas Sjöstedt ayaa qalinka ku xariiqay in xisbiga Socialdemokraterna uu yahay mid ay naga dhexeeyaan wadashaqayn dabiici ah iyo in xisbiga Socialdemokraterna uusan Iswiidhen ka talin karin isagoo aan wadashaqayn la yeelan xisbiyada kale.

- Siyaasad caddaalad ku dhisani kama dhalan karto haddii xisbiga Socialdemokraterna uu talada dalka la qaybsado xisbiyada midigta, ayuu sheegay in uu aamminsan yahay.

Isha: DN

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".