Sawirle: Henrik Montgomery / Scanpix.

Waxqabadka xarumaha xannaanada waayeelka oo laga dayrinayo

Afartii qof oo xubin ka ah ururka shaqaalaha degmooyinka midkood wuxuu qabaa in xarumaha daryeelka waayeelka ay shaqaaluhu ku yar yihiin oo ay khatari ka imaan karto.

Ururka shaqaalaha ayaa xubnihiisa ka waraystay xaaladaha ay ku sugan yihiin xarumaha daryeelka waayeelka, kuwa dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxaa baaritaanka lagu xaqiijiyey in boqolkiiba 28 xubnaha ururku ay dareensan yihiin in dadka xarumaha ka shaqeeyaa ay yar yihiin, halka boqolkiiba 27 ay ku jawaabeen in shaqaale-yaraantu ay khatar ku tahay dadka waayeelka ah.

Annelie Nordström oo ah hoggaamiyaha ururka shaqaalaha degmootinka ayaa SVT u sheegtay in shaqaaluhu ay dareensan yihiin culeys weyn iyo in ay ku khasban yihiin daryeel dhakhso badan. Taasina ma ahan wax u wanaagsan shaqaalaha iyo dadka waayeelka ahba.

Isha: SVT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".