Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Waayeel u xaydxaytey in ay badbaadiyaan aayaha jiilasha dambe

Ma noqon doono kuwo la dhayalsado
1:29 min
Sawirle: Ida Brännström / Sveriges Radio.

Arbacada ugu dambeysa ee bil walba ayey guriga dowladda ee Rosenbad hortiisa ku kulmaan koox hawl-gab ah oo isugu jira rag iyo dumar. Dabadeed ey socod ku tagaan aqalka baarlamaanka. Kooxdaan oo isku magacawday ”Shabeeladii dhumucda weynaa” ayuu fikirkoodu yahey sidii ey saameeyn ugu yeelan lahaayeen siyaasiinta iyo iney ahmiyad weyn siiyaan is.beddelka cimilada ee jiilasha dambe.
– Waa markii siddeedaad oo aannu ku qulquleynno bannaanka aqalka baarlamaanka. Hadafkayaguna waxa weeye in xisbiyada siyaasaddu ay arrimaha cimilada ka hormariyaan siyaasadda xisbiyada oo ay ugu midoobaan siyaasad cimilo oo badbaadineysa carruurta aan dhalnay iyo kuwa ay sii dhaleen.

Dadka socodkaas ka qaybgala oo doonaya in ay saamayn ku yeeshaan siyaasasiinta baarlamaanka waxaa ka mid ah Lars Ahlström, oo rajo weyn ku qaba dhaqdhaqaaqaan huwan magacaan cajiibka ah.

– Ereyga Shabeel wuxuu muujinayaa in aan nala dhayalsan karin marka aayaha carruurtayada iyo carruurtoodu uu halis galo. Aragti dahsoon ayaana ka dambaysa. Waxaa la jeclaan karaa in ururka Shabeelada xaddiga weyn uu ahaado dhaqdhaqaaq caalami ah. Waxaan xiriir la leenahay ururo badan oo aan isku feker nahay, oo aan isku u shaqaynno. Laakiin waa kala magacyo geddisanahay.

Weriye: Irina Makridova. SR International.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".