Xilligii Gu'ga oo uu dib u dhac ku yimid

Sida caadiga ah ayuu xilliga gu'gu bilowdaa bartamaha bisha maarso, hase yeeshee iyada oo lagu jiro bilowgii bisha abriil aannu weli soo muuqan.

Heer-kulka hawada ee bishii maarso ayaa ka qaboobeyd sidii caadiyan lagu yiqiin dalka dhammaantii, middasina ugu wacneyd hawo qabow-cufan oo dalka dhammaantii saameeysay. Hawada noocaasiya ayay sifo u tahay heer-kulka oo aad si degdeg ah hoos ugu dhaca.

Hawada sida caadiyan lagu yaqaanno xilliga gu'ga ayaa ah hawo heer-kulkeedu si tartiib tartiib ah kor ugu kaco una dhexeeysa eber illaa 10 digrii oo kuleeyl ah.

Hayadda saadaalinta hawada ee marka magaceeda la soo gaabiy loo yaqaanno SMHI ayaa sheegtay in hawada qaboow ee cufan ay dalka hayn doonto ugu yaraan muddo toddobaad iminka ka har-san tahay, sida hayaddu saadaalinayso.

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".