Sawirle: Bertil Ericson / Scanpix

Miisaaniyadda AF ku kharashgareeyso shirkado mulki loo leeyahey

Hayadda xafiiska shaqada ayaa ugu yaboohay bilyanno koron shirkado madax-bannaan sidii lagu howl-gelin lahaa dadyoowga ey shaqa-la'aantu asiibtey, sida ay baahisay idaacadda la iska daawado ee Svt oo baaritaan middaasi ku sameeysay.

Miisaaniyad gaarsiisan 4,7 bilyan oo koron ayay hayaddu ku kharashgareeysay shirkado mulki loo leeyahay, kuwaasi oo ka caawiya hoowlo ey ka mid yihiin baxnaaninta, dhabba-tuska shaqo iyo sidoo kale meeleeynta hoowleed ee soo-galootiga dalka ku cusub.

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".