Heshiis ey wada gaareen garabyada suuqa shaqada ee baayacmushtarka

Shaqaale tiradoodu gaarsii-san yiihiin 225 000 oo ruux oo ka howl-gala goobaha baayacmushtarka ayaa heshiis hor leh la gaarey shaqa-bixiyeyaashooda.

Heshiiska oo ey si wada-jir ah qalinka ugu duugeen ururka shaqaalaha iyo shaqa-bixiyeyaasha ee baayacmushtarka ayuu macnihiisu yahay 1 700 oo krorn oo dheeriya oo loo qeeybineyo muddo saddex sannadood ah.

Hase yeeshee aan mushaarka shaqada lagu bilaabo kor loo qaadin uuna taagan yahay halkii uu hore u ahaa 85% ee guud ahaan mushaarka la kor-dhiyey.

Isha/ TT

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".