Sawirle: Mikael Eriksson/Sveriges Radio.

Fikirro lagu soo bandhigey sahlidda qaadista ee falalka dembiyada

Waxaan ka war-sugi doonnaa hayadaha ey khuseeyaan war-bixintooda
1:26 min

Dawladda ayaa maanta gacanta loo geliyey baaritaan la xiriiray is-bedel lagu sameeyo hoowlaha cadaaladda iyo ee dalkan Iswiidhen.

Fikirradaa ayey ka mid yihiin in la adkeeyo sidii dacwad loogu gudbin lahaa maxkamadda racfaanka (hovrätten) iyo sidoo kale in howlaha maxkamadda halkooda laga sii wadi karo xitaa haddii aannu goob joog ahayn shakhsigii dembiga lagu tuhun-sanaa.

Wasiiradda cadaaladda Beatrice Ask oo goobta ku sugnayd ayaa sheegtay in la gaaray xilligii la hagaajin lahaa hoowlaha cadaaladda:
- Is-bedellada maaha kuwo yaryar ee waa kuwo baaxad leh, hase yeeshee goolka laga leeyahey ey yihiin sidii loo bayaanin lahaa hoowlaha cadaaladda. Waa mid lagama maarmaan ah. Waxaan ka war-dhoowri doonnaa aragtida ka soo baxda kolka aan u dirno heyadaha ey khuseeyaan.

Baaraha Stefan Strömberg ayaa sheegay in aanay iminkaba cawaaqib-xumo ku sugneyn howlaha cadaaladda ee dalku, iyo sidoo kale in aanu u qaabeeysneyn hab wanaagsan:
- Is-bedelka ugu weyn ee leh wanaagga ugu baaxadda ballaaran wuxuu yahay in howlaha cadaaladdu ugu muuqdaan waadixi labada garab ee dhibbanaha iyo eedeeysanaha.

Isha/ Ekot

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".