Tartan kubadda cagta oo uu qabanayo ururka dhallin-yarada Iftiin ee Göteborg.

Tartan lagu mideeyneyo dhallinyarada oo ka furmay magaalada Göteborg

Ciyaaraha ayaa ugu wanaag-san oo kulmin kara dhallin-yarada
1:43 min

Tartan socon doona saddex maalmood ayaa maanta ka furmay magaalada Göteborg. Tartankaa oo ey ka qeyb qaadan doonaan dhallin-yaro soomaaliyeed oo ka kala socota siddeed xaafadood oo ku yaala magaalada Göteborg waxaa loogu magac-darey "koobka is-dhex-galka dhallin-yarada Göteborg." Dhallin-yarada is-dhex-galka u baahan iyo sababta loo doortay tartanka kubbadda cagta waxaad ku maqli doontaan barnaamijyada idaacadda ka bixi doona toddobaadkan. Abshir Cabdi Jaamac, ahna isu-duwaha tartanka kubbadda cagta, oo nooga warrama wuxuu yiri:

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".