Sawirle: Erlend Aas/NTB scanpix/Scanpix

Waxaa lagu talinayaa in carruurta yaryar laga tallaalo cudurka shilinta

Waxaa habboon in carruurta ku nool meelaha khatarta shilintu ka jirto marka ay sannad gaaraanba laga tallaalo cudurka loo yaqaan TBE oo laga qaado noocyada shilinta laga helo Yurub iyo Aasiya. Sidaas waxaa soo jeediyey Machadka kahortagga cudurada faafa.

Horay wuxuu xadka tallaalku u ahaa marka carruurtu gaarto saddex sano.

Isbeddelkaan waxaan keenay baaritaanno cusub oo lagu ogaaday in carruurta yaryar uu cudurkani u keeni karo cillado xagga xusuusta iyo tabar-darri wakhti dheer haysa. Taasina waa mid aan horay loo ogeyn.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".