Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dalabka in magangelyo la siiyo turjubaanada reer Afqaanistaan

Ururada caalamka ee turjubaanada ayaa warqad furan oo ay u direen raysalwasaaraha Iswiidhen Fredrik Reinfeldt ku dalbaya in turjubaanada afqaanka magangelyo laga siiyo Iswiidhen.

Turjubaanada la shaqeeya askarta iswiidhishka ee Afqaanistaan ku sugan ayaa cabsi weyn ka qaba waxa naftooda ku dhici doona kadib marka 2014 ay ciidamada shisheeyuhu ka baxaan Afqaanistaan. Sidaas awgeed waa in loo ballanqaada in magangelyo laga siinayo Iswiidhen. Laakiin wasiirka sodaalka Tobias Billström ayaa ilaa hadda muujiyey in uu arrintaas saluugsan isagoo hoosta ka xariiqaya in aysan Iswiidhen ula dhaqmi karin turjubaanada habka ka duwan habka ay dadka kale ula dhaqanto.

Raysalwasaaraha ayaa shalay ka gaabsaday in uu jawaab ka bixiyo sidii loo badbaadin lahaa turjubaanadaas, laakiin wuxuu sheegay in ay socoto hawl lagu eegayo sidii arrinta wax looga qaban lahaa kolka ay la soo gudboonaato. Reinfeldt ma dooneyn in uu ka hadlo arrinta ah in Daanmaark ay magangelyo siineyso siddeed turjubaan.

Isha: SVD

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".